Muqdisho (Kaab TV) – Ku-simaha R/Wasaaraha ahna R/Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay Kulan Heerkiisu Sarreeyo oo looga hadlayo Xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga xoreeyey kooxda Al Shabaab.
Shirkan ayaa inta uu socdo lagu lafa-gurayaa dardar-gelinta dadaallada ku saabsan xasillinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay wali ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu iyo sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ay gaarsiinayaan deegaannadii la xoreeyey.
Saalax oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu Barnaamijkani u leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan soo kabashada goobahii laga saaray kooxaha Khawaarijta ee u baahan in la gaarsiiyo adeegyadii guud ee dowliga ahaa.
Ku-simaha R/Wasaaraha ayaa xusay in xoreynta iyo Xasillinta dalku ay yihiin arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, isagoo la wadaagay saaxiibbada Caalamiga ah aragtida dowladda ee lagu gaari karo hiigsigaasi.
Waxaa kale oo uu tilmaamay muhiimadda uu barnaamijkani u leeyahay shacabka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhulka la xoreeyay ee u baahan in gargaar la gaarsiiyo.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in xoreynta iyo xasilinta dalku ay yihiin arrimaha horutabinta u leh xukuumadda Dan-Qaran, isla-markaana ay muhiimad gaar ah siinayaan.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga