SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Deni iyo Golihiisa Wasiiradda oo ka hadlay Dagaalkii Garoowe Digniina kasoo saaray

|

Garoowe (Kaab TV) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-gurdoomiyey shirka todobaadlaha ah ee golaha Wasiirada oo looga hadlay amniga caasimadda iyo guud ahaan Puntland, arrimaha deegaanka iyo qodobo kale.

Golaha wasiirada Puntland ayaa sheegay in ay ka xunyihiin oo cambaareynayaan dhacdadii ka dhacday Garoowe 20-kii June 2023, iyagoo ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi, wuxuuna Goluhu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay, golaha Wasiirada ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay in la illaaliyo nabadda , kala danbeynta iyo Dowladnimada cidkasta oo lidi ku ahna meel looga soo wada jeesto Dowlad iyo Shacaba.

Golaha wasiiradda Puntland ayaa sheegay in bilihii u danbeeyay dadaal ku bixinayeen sidii wadahadalo nabadeed loogu dhameyn lahaa arrimaha taagan, welina diyaar ayeey u yahay maamulka.

Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la illaaliyo nabada, kala dambeynta iyo dowladnimada, si looga hortago wax kasta oo liddi ku ah dowlad goboleedka Puntland.

Dhanka kale golaha wasiirada oo isla gorfeeyeen sida ay wax u dhaceen ayaa iska fogeeyay mas’uuliyadda dagaalkii ka dhacay Garoowe, waxaana xubnaha golaha ay shaaca ka qaadeen in xukuumadu ay muddo dheer dadaal ku bixisay in deganaan loo wadahadlo.

Waxa kale ay ka digtay xukuumaddu in mar kale ay Garoowe ka dhacaan rabshado keeni kara khal-khal amni, maadaama haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo magaaladaasi.

Ugu danbeyn golaha wasiiradda Puntland ayaa ka digey wax kasta oo keeni kara khalkhal gelin bulsho, sida dadka faafinaya dacayaadka iyo qixinta dadweynaha ku dhaqan magaalada Garawe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News