Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Wasiirka Difaaca iyo madaxda Maxkamadda Ciidamada oo baaris ka bilaabay Baraawe

|

Baraawe (Kaab TV) – Wasiirka Difaaca XFS, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute, Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Masuuliyiintaan ka socotay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa ciidanka ku booqday difaacyadooda, sidoo kale waxay u kuur-galeen nolosha shacabka ku nool magaalada Baraawe.

Askarta qaar iyo saraakiisha ciidamada ayaa laga wareystay sida uu ku bilowday gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay Baraawe, waxayna masuuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ku amreen ciidamada inay is walaashadaan oo gacan ka hadal dambe uusan ka dhicin Baraawe.

Wasiirka Difaaca ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ciidanka kula dar-daarmay inay masuuliyad muujiyaan oo xabad dambe aysan isku ridin, waxa uuna madaxda  maxkamadda ciidamada ka codsaday inay dedejiyaan baaritaankooda, si caddaaladda loo waafajiyo shaqaaqadii ciidanka ku dhex-martay Baraawe.

Ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada K/Galbeed iyo cutubyo ka tirsan militeriga Soomaaliya oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaaladaas ayaa dhawaan ku dagaalamay Baraawe.

Khasaare culus ayaa kala gaaray labada ciidan, sidoo kale dad shacab ah ayaa ku waxyeeloobay dagaalkaas oo sababay barakac xoog leh oo Baraawe ka dhacay sanado badan kadib.

Sidoo kale, guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadam Madoobe uu huray guddi 10 xildhibaan ah ugu magacaabay baaritaanka sidii uu ku bilowday dagaalkii Baraawe, in kastoo guddigaas uu is khilaafay oo laba ka mid ah ay is casileen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News