Muqdisho (Kaab TV) – Booliska Magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay nin ka mid ahaa Al-shabaab oo ka tirsanaa rag shalay madaafiic ku tuuray garoonka Aadan cadde iyo nawaaxigiisa.
Qoraal ka soo baxay Booliska ayey ku sheegeen in ninkan ay horgeyn doonaan Maxkamada si cadaalada loo waafajiyo.
25-6-2023 abaaro 11:30 am, ayaa waxay weerar gantaalo macmal ah ku qal qal galiyeen shacabka caasimadda kuwaas oo aan wax dhibaato ah geysan.
Howlgal degdeg ah oo ay fuliyeen Ciidammada sugida amniga Caasimadda ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen dhagarqabe hogaaminayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, waxa uuna magaciisa ku sheegay Xuseen Cali Deerow Buule baaris kadibna waxaa la horgeyndoonaa Maxkamada Awooda u leh.
Sida la aaminsan yahay in lasoo qabto ninkaan waxaa fududeysay in shalay la helay gurigii ay hoobiyaha ka soo dhex ridayeen rag ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo loogu tegay dhowr baalooto oo xabadaha hoobiyaha ah.
Sidookale, ciidamadu waxay ka hortageen gantaalo rakiban oo aan wali laridin, waxaana qantaaladii lagu burburiyay goobta halka baaris ay ku socoto dhagarqabihii la soo qabtay.
Sida la aaminsan yahay in lasoo qabto ninkaan waxaa fududeysay in shalay la helay gurigii ay hoobiyaha ka soo dhex ridayeen rag ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo loogu tegay dhowr baalooto oo xabadaha hoobiyaha ah.
Boolisku ma shaacin sida lagu soo qabtay ninkaan iyo halka laga soo qabtay, balse Afhayeenka booliska ayaa shalay sheegay in guriga ay heleen ay dowladu gacanta ku sii heyn doonto ilaa inta laga soo qabanayo raggii deganaa ee hoobiyaha ka soo dhex ridi jiray.