New York (Kaab TV) – Dowladda Soomaaliya ayaa hadda dadaal ku bixineyso sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, taas oo la saaray sanadkii 1992.
Sidoo kale dowladda ayaa qorshe ween oo arrintan ku aadan ka wada magaalada New York oo fadhi u ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Dhanka kale Cali Cumar Cali Balcad oo ah Wasiir dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku sugan magaaladaas ayaa war kasoo saaray howsha ay wadaan ay ku aadan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in haatan shirar ay ka wadaan dalka Mareykanka, looga hadlayo sidii cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa.
Wuxuu intaasi kusii daray in cunaqateynta hubka saaran Soomaaliya, uu yahay midkii ugu dheeraa ee waddan la saaro, taasi ayuu sheegay in ay dadaal ku bixinayaan sidii waddanka looga qaadi lahaa Cunaqateynta hubka.
“Haddii la rabo in Soomaaliya ay cagaheeda ku istaagto, haddii la rabo in Soomaaliya ay yeelato Ciidan badali kara, Ciidamada wadamada aan saxiibada nahay ee noo soo gurmaday ee nala jooga in muddo 16-sanno ee ATMIS EX AMISOM , waxey Soomaaliya u baahan tahay in ay hesho fursad ay ku soo biibsan karto hub noocyadiisa kala duwan hubka ee ay rabto si ay Ciidamada qeybahooda kala duwan ay ugu qalabeyso marka muhiimad weyn ayey inoo tahay in Soomaaliya laga qaado Cunaqabateynta hubka ee saara, inta sanadkan uusan dhammaan ayaan qorsheyneynaa si sanadka dambe aan u dhisno Ciidamo ilaalin kara amniga iyo Qaranimadiisa Soomaaliya “ Ayuu yiri Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Cali Balcad.