Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

SOOYAAL : Cali Jayte maku dhici doonaa dabinkii Generaal Xuud uu ku dhacay ?

|

Muqdisho (KAAB ) Taariiqda iyada ayaa is qorta dibna isku aqrisa, gobolka Hiiraan khilaafka ka jira waxaa  uu ahaa mid soo jiitamayay tan iyo unkashadii maamulka Hirshabeelle inkastoo ay jireen Murano kale oo ka sii horeeyay.

Siyaasiin badan ayaa diiday habka awood qaybsiga maamulka Hirshabeelle ee la dhisay markii hoggaanka uu qabtay Cali Guudlaawe taas oo keentay in gadood badan uu ka dhasho maamulkaas isla markaana ay dilaacaan maleeshiyo u abaabulan qaab beeleed.

Meelaha laga diiday waxaa ka mid ah magaalada Beledwayne , halkaas oo ay is abaabuleen maleeshiyo beeleed  hubaysan oo duurka galay  si ay u helaan xuquuq ay sheegeen in iyaga ay ka maqan tahay.

Waxaa hoggaaminayay malesehiyaadkaas Generaal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo dagaal badan ka soo qaaday hawdkii  uu ku sugnaa , isagoo sheegayay xiligaas in uusan aqoonsaneyn maamulka Hirshabeelle ee uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe.

Si ka duwan taas , hase ahaatee meelaha qaar iska shabahaan  waxaa Hiiraan inuu Madaxwayne ka  yahay Hiiraan State sheegtay Cali Jayte Cusmaan oo iska diiday xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Cali Jayte ayaa maleeshiyaad u badan kuwa macwiislayda ee horkacayay howlgalka Al- Shabaab una abaabulan qaab qabiil waxa ay ku ilaalinayaan magaalada Beledwayne kuwaas oo xil ka qaadistiisa ka dib inta badan ku soo xaraaday magaalada.

Waxa uu sheegay  Cali Jayte inuusan  aqoonsanayn  maamulka Hirshabeelle taas bedelkeeda iyagu ay xaq u leeyihiin in aayahooda ka tashadaan oo ay samaystaan maamul madax banaan.

Ka hor go’aanka waxaa uu Guddoomiyaha xilka laga qaaday uu shaaciyay in gabi ahaanba cir iyo dhul xiran yahay gobolka Hiiraan , taas oo dhinacyo badan siyaabo kala duwan ay ka hadleen hase ahaatee dadka ku nool  magaalada Beledwayne waxay u arkaan inuu yahay xaq u dirir  loona baahan yahay in la garab istaago.

Marka ay halkaas ay marayso sheekada  dib aan u eegno taariiqda , Jannaayo 19, 2022 Dowladdii Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Muqdisho ugu yeertay  Generaal Xuud isagoo aqbalay  casuumadii Dowladda  wuxuuna ka soo degay wada dheer ka dib Garoonka Aadan Cadde.

Generaalka oo markiisa kowaad la soo dhaweeyay ayaa maalmo ka dib waxaa laga xirtay alaabada ,  culays badan ayaa  laga saaray inuu ka dhaafo Garoonka Aadan Cadde kooxdii xilligaa xukunka joogtay waxa ay ku guulaystay in ay kala dhantaasho Kacdiisa.

20-ka Juun 2023 – si la mid ah Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu yeertay magaalada Muqdisho , Cali Jayte Cusmaan oo isku caleema saaray Madaxwaynaha Hiiraan State si wada- hadalo loola furo isla markaana loo dhameeyo khilaafka jira taas oo lagu tilmaanay in ay tahay qorshe la mid ah kii Xuud Muqdisho lagu keenay.

Inkastoo Cali Jayte oo iska diiday , cusuumadaas sida xogaha la helayo ay sheegayaan hadana , dad badan ayaa rumaysan in talabadaas haddii uu qaadi uu  uu iska tuuri doono ‘’ qar’’ iyo hadaan dheer taas oo keeni karta in meesha uu ka baxo qorshe kasta uu ka leeyahay maamulka uu isku caleema saaray

WD Hanad Ali Guled

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News