SO | EN

SO | EN

Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo tagaya Garoowe & ujeedka safarkooda oo la shaaciyay

|

Garoowe (Kaab TV) – Waxaa lafilayaa in Maalinta berito oo Sabti ah Magaalada Garoowe ay tagaan R/Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, sidoo kalana mar soo noqday Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo udhow labadaan mas’uul oo hadda ku maqan dalka dibadiisa oo safarkooda uu qorsheysnaa mar hore ay hadda ugu dambeyn imaanayaan Magaalada Garoowe, halkaas oo todoobaad ka hor uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeedada safarka ay magaalada Garoowe ku tagayaan R/Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas ay la xiriirto sidii xal looga gaari lahaa dagaalkii ka dhacay magaalada garoowe.

Sidoo kale mas’uuliyiintaan ayaa Magaalada Garoowe waxaa ay u tagayaan arrimo la xiriira doorashooyinka Puntland maadaama muddo xileedka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ka arsan yahay wax ku siman Shan Bilood.

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa siweyn looga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta R/Wasaarayaashii hore ee dalka, kuwaas oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda hab Maamulka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sanadkan markale u sharaxan Madaxweynaha Puntland, dad ka ag-dhaw ayaana xaqiijiyay in Gaas uu aaminsanyahay in sida Madaxweyne Xasan Sheekh oo kale uu leeyahay fursad uu markale kusoo laaban-karo, looguna dooran karo madaxweynaha Puntland.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa wadda shirar ay Culays ku saarayaan xukuumada madaxweyne Deni si ay u xaqiijiyaan in doorashada madaxtinimada Puntland ay ku dhacdo 8 January, looguna laabto 66dii xildhibaan ee Odayaasha dhaqanku soo xuli-jireen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News