SO | EN

SO | EN

Laamaha Amniga Galmudug oo burburiyay dhul daaqsimeedyo lagu dagaalamay

|

Gaalkacyo (Kaab TV) – Maamulka deegaanka Dowgaab ee Gobolka Mudug oo kaashanaya Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Galmudug ayaa burburiyay dhismayaal si-sharci daro ah looga hirgaliyay dhul daaqsimeedka degaanka Dabirweyne oo u dhaxeeya degaannada Dawgaab iyo Balli Guuleed ee degmada Hobyo.

Howlgalka intii uu socday ayaa waxaa lagu burburiyay Baraago, Baag Biyo lagu shubay iyo dhismayaal si sharci darro ah loo dhisay, kuwaas oo dhowr jeer ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed oo wada dega gobolka mudug.

Mas’uuliyiinta Maamulka deegaanka Dowgaab ee Gobolka Mudug ayaa sheegay inay cagta mariyeen dhammaan dhismayaashii sharci darrada ahaa ee sahli karay inay degaanka ka dhacdo amni darro.

Waxa ey sheegeen in mar dambe ciddii dhismayaal shacri darro ah ka dhista degaanka laga burburiyay la xiri doono, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono, iyaga oo ugu baaqay Shacabka in aan leysku xadgudbin.

Qaar kamid ah dadkii laga burburiyay dismayaasha baraagta iyo baaga ey biyaha kujiraan ayaa dhankooda sheegay inay Maamulka iyo laamaha Amniga ku garab siinayaan sugitaanka Amniga.

Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa horay uga dhacay dagaal Beeleedyo sabab u ahaa isku qabsiga dhul daaqsimaadyo kala duwan, kuwaas oo weli qaarkood taagan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News