SO | EN

SO | EN

Maxkamad Al-Shabaab ku laheyd gobolka Sh/hoose oo la burburiyey

|

Muqdisho (Kaab TV) – Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa saaka howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanno ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Howlgalladan oo socday muddo kooban waxaa lagu burburiyey maxkamad ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaano ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

“Howlgalkan ayaa ku dhacay si nabad ah, kadib kolkii ay halkaasi isaga carareen kooxda Al-Shabaab ee sida dhuumaaleysiga ah u jooga Sh/Hoose” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidanka Haramcad ayaa sheegay iney ku raad joogaan firxadka kooxihii ka tirsanaa Al shabaab ee ku sugnaa goobah weerarka laga fuliyey sida ay sheegeen saraakiisha Hamarcad.

Ciidamada dowladda ayaa sidan oo kale hore u burburiyay maxkamado ay kooxda ku laheyd duleedka Muqdisho iyo deegaano kale, kuwaasi oo ay ugu yeeri jirtay bulshada caasimada.

Howl-galkan ayaa imanaya, ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo qaadin wax howl-gal ah oo muuqda oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News