SO | EN

SO | EN

DFS iyo ATMIS oo kawada hadlay Xasilinta goobaha Al-Shabaab laga saaray

|

Muqdisho (Kaab TV) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS Ambassador Maxamex El-Amine Souef, taliyaha ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding & Taliyaha Booliska ee ATMIS.

Kulankan oo ka dhacay xarunta hawlgalka ATMIS  ee magaalada Muqdisho, ayey kaga wada hadleen dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta ee ka socda deegaannada cusub ee dhowaan laga xureeyay Al Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahad celiyay Madaxda howlgalka ATMIS taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo ka caawinta dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in Ciidamada ATMIS ay xoojin doonaan wadashaqeynta kala dhaxeeysa Ciidamada dowladda inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS Ambassador Maxamex El-Amine Souef, ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin garab siinta ciidanka Soomaaliyeed , waxa uuna ballan-qaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan xasillinta deegaannada Al Shabaab laga saaray.

Soomaaliya ayaa waxaa hadda ku sugan Ciidamo kumanaan gaaraya oo ka socda qaar kamid ah wadamada Afrika, iyaga o ku howlgalla Magaca ATMIS, kana taageera dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Kooxda Al-Shabaab.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News