Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Wafdi sare oo ka socday Hay’addo Caalami ah

|

Beledweyne (Kaab TV) – Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan qaatay Wafdi sare ah oo ka socday Hay’adaha Caalamiga ee World Vision, DRC ICF iyo SOMREP oo soo gaaray Jowhar.

Kulankaan oo Madaxweynaha ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa looga hadlay kor u qaadida mashaariicda horumarinta oo Hay’adahaan ay ka wadaan deegaanada Hirshabeelle iyo kuwa u qorsheysan gaar ahaan ka hortaga fatahaadaha wabiga shabeelle, Beeraha Cunnada iyo sare qaadista dalagyada abuurka, caawinta barakacayaasha iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Madaxweynaha ayaa Hay’adahaan la wadaagay in muhiimad gaar ah ay u leedahay in adeegyada horumarinta la gaarsiiyo deegaanadii dhowaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab si bulshada ay u helaan adeegyada muhiimka ah.

Kulankan ayaa imaanayo iyadoo maalmihii lasoo dhaafay uu qilaaf xooggan kataagnaa magaalada Beledweyne, khilaafkaas oo kadhashay xil kaqaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Sidoo kale gobolka Hiiraan waxaa dhawaan laga hirgaliyay maamul cusub oo loogu magacdaray Hiiraan State taas maalmihii lasoo dhaafay ey socotay sidii loogu dhisi lahaa madaxtooyo cusub, dhanka kale maamulka cusub ee Hiiraan State oo uu madaxweyne isugu magacaabay Cali Jeyte.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News