Taliyaha ayaa ugu horayn Tagay Dugsiga tababarka ee Turkisom Halkaas oo uu Tababar uga socdo Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, Kormeerka ka dib ayuu Taliyuhu waxa uu kulan la qaatay Gen Ali SIĞIRTMAÇ oo ah Taliyaha Dugsiga Turkisom isagoona uga mahadceliyey Garab istaaga ay dowladda Turkigu garabtaagantahay Dowladda Soomaaliya waxana uu u sheegay in ay sii laba jibaraan dadaalka ay wadaan ee ah in ay soo saaran Ciidan Dhisan Ka Talis ahaana ay Garabtaagan yihiin.
Dhinaca kale Taliyaha ayaa kormeeray Taliska Guutada 18-aad Ciidanka Kumandooska Gorgor XDS halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Taliyaha Guutada 18-aad Gashaanle Bashiir Cumar Cabdullaahi.
Taliyaha ayaana kulan la qaatay Saraakiisha Guutada 18’aad Kumandooska Gorgor XDS waxana uu kula dardaarmay in si daacada u gutaan waajibka qaran ee Saaran madaama guud ahaan dalkeena uu ka bilaabanayo wajiga labaad ee dalka looga saarayo Al-Shabaab

