Garbahaarey (KAAB) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee dowladd Goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay saacadihii la soo dhaafay duqeymo dhinaca cirka ka geysteen degaanka Ceel-Cadde ee Gobolkaasi Gedo.
Duqeymaha oo soo billaawday xalay ayaa saaka markale ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen degaanka Ceel-cadde, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacay.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in duqeynta ay ku geeriyoodeen ilaa laba ruux oo kala ahaa Wadaad lagu Magacaabo Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi oo la dhashay Sheekhii weeynaa ee Sheekh Aadan Sheekh Cabdulaahi iyo Nin Magaciisa lagu soo koobay Miskiinow.
Laamaha Amniga iyo Maamulka gobolka Gedo ayaan weli ka hadlin duqeynta ay Ciidamada Kenya kudileen dadka Shacabka ah, waxaana dhowr jeer sidaan oo kale ay ciidamada Kenya duqeymo ay ka geysteen degaano katirsan gobolka Gedo ay kudileen dad Shacab ah.
Sidoo kale duqeeyntaan ayaa sababtay bur-bur xooggan maadaama duqeeynta ey ka dhacday goob ey kusugnaayeen dad shacab ah.
Dhanka kale duqeeyntaan ayaa kusoo aadeyso ayadoo maalmihii lasoo dhaafay ey ciidanka Kenya howlgalo ey kawadeen gobolka Gedo iyo deegaanada hoos yimaada xadka labadda dal.

