Goobaha ganacsiga ee Suuqa degmada Afgooye oo xiran & Xiisad halkaas ka taagan

|

Afgooye (KAAB) – Wararka ka imaanaya Degmadaa Afgooye ee gobolka shabeelada Hoose ayaa sheegaya in gabi’aahanba Goobihii ganacsiga Suuqa degmada Afgooye uu saakay xiran yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Ganacsatada Suuqa degmadaa Afgooye ee gobolka shabeelada Hoose maanta ay go’aan ku gaareen in ay xeraan suuqaasi.

Dad goobjoogayaal oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Sababta loo xiray Suuqa degmada Afgooye ayaa ah in laba qof oo sheeganaya milkiyada Suuqaasi ay is heystaan Milkiyada Suuqa Ariga degmada Afgooye islamarkaana ganacsadata ay Albaabada u laabeen Xarumaha ganacsi ee suqaas.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in ay is  horfadhiyaan maleeshiyo ka socota labada dhinac taas oo keentay in Ganacsatada Degmada Afgooye ay xiraan Goobaha ganacsiga suuqaaas.

Sidoo kale  goobjoogayaasha ayaa sheegaay in Ganacsatada Suuqa degmada Afgooye ay ka cabanayaan Afduub ku soo kordhay Suuqaa oo kooxo an la garaneyn ay Halkaas ka Dadka ka Afduubtaan ka dib lacago madax furasho ah ay  qaataan si ay u sii daayaan Dadka ay Afduubtaan.

Dawlada Federaalka Soomaaliyaa iyo Maamulka Koofur galbeed ayaa laga  Codsaday in ay wax ka qabtaan Xiisada ka Taagan Suuqa Ariga degmada Afooye iyo Cabshada ka soo yeereyso Ganacsatada Suuqaasi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News