Koofi “Villa Soomaaliya oo diyaarisay 9 qorshe oo ay ku jiraan dilal, hub ka dhigis iyo ceebeyn”

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Aagaasimihii hore ee Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa eedeyn culus u soo jeediyay Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Koofi ayaa warbixin uu ku faafiyay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay inay Villa Soomaaliya diyaarisay wax uu ku sheegay “10 qorshe” oo ay ka mid tahay fulinta dilal qorsheysan.

Wuxuu sheegay in ay socdaan isku dayo la doonayo in dastuurka wax looga baddalo, si sharci darro ahna loo kordhiyo muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda.

“Ujeedada ayaa ah in kooxda Villa Soomaaliya ay sannado dheeri ah u hesho dhibaateynta, kala dirridda, boobka, iyo dhaqamada xun ee muddadii sanadka aheyd ee la soo dhaafey ay ku hayeen ummadda Soomaaliyeed,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Wuxuu sheegay in ay jiraan qorsheyaal ay ku riyoonayaan kooxda Villa Soomaaliya in ay ku xaqiijin karaan ujeedadooda gurracan, waxaana ka mid ah ayuu yiri:

  1. Xadgudub iyo caga jugleyn loo geysan doono xildhibaanada diida qorshaha;
  2. Laaluush iyo xilal lagu bixiyo fulinta ujeedada;
  3. Xilalka oo lagu bixin doono hadba heerka nacamleynta shaqsiga;
  4. Been abuur laga sameeyo siyaasiyiinta diidan aragtida kooxda;
  5. Dilal qorsheysan oo la la beegsan doono dadka diidan qorshaha;
  6. Hub ka dhigis lagu sameeyn doono siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka aragtida duwan Kooxda;
  7. Dukumentiyada muhiimka ah oo ay ku jiraan kuwa safarka oo laga xayiri doono qofkasta oo ka soo horjeesta qorshaha kooxda;
  8. Xisaabaadka (accounts) siyaasiyiinta oo loo dhici doono si been abuuro looga sameeyo;
  9. Muuqaalo xun oo laga sameeyo dadka ka aragtida duwan kooxda, si loo ceebeeyo (Janes-kaa ku seexo, shukaansigana yareey).

Koofi ayaa ka mid ah 18 ruux oo dhowaan Xafiiska Xeer ilaalinta Dowladda Federaalka ku soo eedeyay musuqmaasuq, walow aanan la horgeyn maxkamad. Wuxuuna hadda ku sugan yahay dalka dibadiisa.

Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxday dhanka Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ku saabsan eedeynta culus ee ah diyaarinta qorshe dilal iyo ceebeyn ah oo lagu eedeeyay inay qorsheynayaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News