Waxaa jiray la wareegitaanka militariga Niger, taasoo keentay mudaaharaadyo iyo qalalaase, ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda.
“Kooxda soo qaban qaabisay banaanbaxa 30-ka Luulyo (M62) waxay ku baaqeen maalin kale Khamiista 3-da Agoosto, oo ah maalinta madax-bannaanida Niger.
Mudaaharaadyadu waxay noqon karaan rabshado, xaaladduna si dhakhso ah ayey isu bedeli kartaa digniin la’aan ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.
Dhinaca kale, Mareykanka ayaa go’aansaday qayb ahaan inuu kala soo baxo dalka Niger, shaqaalaha safaaradiisa dalkaasi ku taalla..
Boqollaal ajaanib ah ayaa laga daad gureyay dalkaas, iyadoo Axadddiina safaaradda Faransiiska ay weerareen dibadbaxayaal.
Hoggaamiyaha afgambiga Jeneraal General Abd al-Rahman Tianyi, ayaa ka digay faragalin kasta oo ka dhan ah arrimaha dalkiisa isla markaana kaga timaada dibadda.