Nairobi (KAAB TV) – Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay Siyaasiyiinta Macaaradka ah ee Jubbaland.
Kulankan ayaa logaga hadlay sidii si wadajir ah looga qeyb qaadan lahaa hawlgalka lagu xoraynayo Jubbaland oo qeyb ka ah Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland
“Waxaa Sidoo kale Madaxweynahu uu Siyaasiyiintan ka aragtida duwan ka dhagaystay aragtiyadooda iyo talooyinkooda wax ku oolka ah ee la xiriira Midnimada iyo wadajirka bulshada Jubbaland” ayaa sidoo kale lagu yiri warka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.
Sidoo kale, Xubnaha uu la kulmay Axmed Madoobe ayaa waxaa ka mid ah C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo mar soo noqday Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ee dowladda Somaaliya iyo xubno kale.
Ciilmooge ayaa ka mid ah siyaasiyiinta uu damaca kaga jiray qabashada hogaanka Jubbaland oo muddo ka badan 12 sano uu majaraha u hayo Axmed Madoobe, wuxuuna marar badan dhaleeceeyey Axmed Madoobe oo uu ku eedeeyey inuu yahay keligii taliye.