SO | EN

SO | EN

Warakii ugu dambeeyay Eritrean ku dagaalamay Tel aviv

|

Tel Aviv (KAAB TV) – Qaar ka mid ah taageerayaasha iyo mucaaradka dowladda Eritrea ayaa isku dhacay sabtidii iyo booliska Israa’iil, taasoo keentay in israsaseen ay ku dhaawacmeen mid ka mid ah iska horimaadyadii ugu rabshada badnaa ee dhex mara magan-galyo doonka Afrikaanka ah iyo muhaajiriinta ku sugan Tel Aviv.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah 30 askari oo boliis ah iyo saddex mudaaharaadayaal ah oo ay booliisku rasaas ku fureen.

Sidoo kale, Eriteriyaanka labada dhinac ayaa isku weeraray alwaax dhismo ah, biro, dhagxaan iyo ugu yaraan hal faas, iyagoo dhex burburiyey xaafad ku taal koonfurta Tel Aviv oo ay ku nool yihiin magangalyo doon badan.

Dibad-baxayaasha ayaa burburiyay muraayadaha dukaamada iyo baabuurta boliiska, waxaana waddooyinka hareerahooda lagu arkayay dhiig badan.

Dhanka kale, Booliiska Israa’iil oo wata gawaarida rabshadaha ayaa isticmaalay sunta dadka ka ilmeysiisa, bambooyinka gacanta laga tuuro iyo wareegyo toos ah iyadoo ciidamada fardooleyda ay isku dayeen in ay xakameeyaan dibadbaxayaasha, kuwaasoo jabiyay dhufeysyada isla markaana xabbado dhagxaan ah ku tuuray booliiska. Booliisku waxay sheegeen in askarta ay miciin bideen rasaas nool markii ay dareemeen in noloshooda ay khatar ku jirto.

R/Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu qaban doono kulan Axadda si uu ugala hadlo tillaabooyinka ka dhanka ah kuwii ka qeyb qaatay isku dhacyada, oo ay ku jiraan masaafurinta War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu tilmaamay dibed baxyada inay yihiin kuwa sharci darro ah.

Iska horimaadka ayaa yimid iyadoo taageerayaasha dowladda Eritrea ay xusayeen sanadguuradii 30-aad ee kasoo wareegtay markii uu xukunka qabtay hoggaamiyaha hadda talada haya munaasabadda ayaa lagu qabtay agagaarka safaaradda Eritrea ee koonfurta Tel Aviv. Ereteriya waxay leedahay mid ka mid ah diiwaannada xuquuqda aadanaha ugu xun adduunka magangalyo doonka Israa’iil iyo meelo kale ayaa sheegay inay ka baqayaan dil haddii ay dib u laaban lahaayeen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News