SO | EN

SO | EN

Xamze iyo Farmaajo oo kulan saacado badan qaatay kuyeeshay dalka Qatar

|

Qatar (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynihii Hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, R/Wasaare Xamze iyo Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah al-shabaab

Dhinaca kale, Xamze ayaa adkeeyey doorka kaga aaddan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka.

Ugudambeyntii, Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News