MUQDISHO (KAAB TV) – Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa la sheegay in ay la wareegeen, islamarkaana ay ka xoreeyeen dagaalyahannada Al-Shabaab deegaan istiraatiiji ah oo lagu magacaabo Filfiile.
Deegaanka ay isaga baxeen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa daraawiishta Jubaland ayaa dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Buula Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo sidoo kale dhawaan laga saaray kooxdaasi.
Saraakiisha ammaanka ee howlgalkaasi fuliyay ayaa tilmaamay in goobtaasi ay Al-Shabaab u aheyd goob istaraatiiji ah oo ay ka qaadi jireen lacago iyo xoolo ay ka qaadaan shacabka ku dhaqan deegaankaasi.
Saraakiisha hogaamineysa howlgalkan ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada adag ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab inta ay ka xoreynayaan guud ahaan deegaanada maamulka Jubbaland.
Wajigii koowaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa guulo laga gaaray iyadoo ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo is abaabulay ay ka xoreeyeen goobo muhiim ah oo ay muddo tobaneeyo sano ah maamulayeen.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya dad deegaanka ah oo abaabulan ayaa guluf dagaal ku qaaday kooxdaasi tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxdaasi markii la doortay bishii May ee sanadkan, waxaana wejigiisii koowaad kooxdaasi ka xoreeyay dhowr goobood oo muhiim ah. Hawlgalka oo hadda waxaa socda wajigii labaad.

