Ciidamo horleh oo la geeyay degmada Balcad ee gobolka shabeelaha dhaxe.

|

BALCAD (KAAB TV) –Ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay la geeyay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, si ay u xaqiijiyaan amniga magaaladaas oo loo dalxiis tago.

Sidoo kale ujeedka ciidamadan ayaa ah inay ka hortegaan suurtagalnimada weeraro ay soo qaadaan xubnaha Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay warbaahinta in ciidamadan ay fariisimo cusub ka sameysteen qaybo kamid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliso Balcad iyo nawaaxigeeda, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News