Ciidanka dowladda iyo maleeshiyo deegaanka oo gacanta kusoo dhigay Sargaalka AS

|

DHUUSAMAREEB (KAAB TV) – Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo ey kasameeyen deegaano dhaca gobolka Galgaduud kusoo qabtay sargaal ey sheegeen inuu katirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Khaar kamid saraakiisha ciidanka dowladda ee hoggaaminaayay howlgalka oo warbaahinta dowladda lahadleen ayaa sheegeen, in sargaalka ey soo qabteen uu in muddo ah uu katirsanaa kooxda Jabhada ah ee Al-Shabaab iyagoona xusay in soo qabashadiisa ey horseeday xogtiisa oo lahelay.

Sidoo kale, howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, ayaa waxa uu kadhacay deegaanada Masagawaa iyo Waniinle waxa eyna kusoo qabteen sargaalkan oo magaciisa kushegeen Mowliid Cali Dhuxuloow.

Sargaalkan oo ay ciidanka dowladda gacanta kusoo dhigeen ayaa waxaa lasheegay in uu horjooge uu u aha kooxda Jabhada ah oo kusugan qeybo kamid ah gobolka Galgaduud ee koonfurta gobolka Mudug.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News