Laascaanood (KAAB TV) – Ciidanka amniga SSC-Khaatumo ayaa hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga SSC Ciidanka ayaa hawlgalkooda ku qabtay shakhsiyaad ku eedaysan in aysan u hoggaansamin nidaamka dowliga ah.
Sidoo kale, Saraakiisha Ciidanka Xasilinta ayaa tilmaamay in hay’adaha garsoorka loo gudbin doono shakhsiyaadka ay ku soo qabteen hawlgalladan si sharciga loo mariyo.
Dhanka kale, meysan shaacin saraakiisha waxyaabaha lagu eedeynayo shaqsiyaadka ay soo xireen, balse waxay xuseen iney sii wadi doonaan howlgalada amaanka lagu xaqiijinayo.
Ciidanka ayaa maalmahan qoryaha ka xareeyay qaar kamid ah dhalinyarada Laascaanood oo qoryahooda la dhex marayay magaalada.
Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Awcali (Fardhiye) ayaa markii u horraysay tan iyo intii la doortay marti qaad rasmi ah ka helay Villa Somalia.
Sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku casumay Hoggaamiye Firdhiye.

