Cutubyo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay inay dejiyaan xiisad saacadihii u dambeeyay ka taagneyd dhul beereed u dhexeeya magaalada Marka iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar, Gaashaanle Cismaan Muuse Maxamed, ayaa sheegay in cutubyada Ururrada 141-aad, 144-aad iyo 145-aad ay si degdeg ah ugu baxeen goobta, halkaas oo ay ku kala dhex galeen dhinacyadii iska horjeeday, isla markaana ay ku guuleysteen inay dejiyaan xaaladda.
Taliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada ay dib u fureen kanaal biyood oo xirmay sababo la xiriiray xiisadda ka taagneyd deegaanka, si loo suurtageliyo in biyuhu mar kale gaaraan dhulka beeraha.
Gaashaanle Cismaan Muuse ayaa adkeeyay in aan la aqbali doonin dhiig ku daata iska horimaadyo aan waxba tarayn, isagoo xusay in xasilloonida bulshada ay muhiim u tahay sii wadidda howlaha amniga iyo ka hortagga in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’iideysato colaadaha deegaanka.
Wuxuu intaa ku daray in howlgalka maanta la fuliyay uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana ciidamada ay sii wadi doonaan dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo xallinta khilaafaadka ka dhasha deegaannada ay ka howlgalaan.

