Wada-hadalladii ay garwadeen ka ahayd Beesha Caalamka, kana dhacay gudaha xayndaabka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu kala kacay shalay, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabyada mucaaridka ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday Dowladda Federaalka iyo xubno matalayay Golaha Mustaqbalka iyo garabyada kale ee mucaaridka, iyadoo diiradda lagu saarayay sidii loo heli lahaa is-afgarad ku saabsan nooca doorashada ee Soomaaliya ay qaadanayso.
Maxaa la isku qabtay?
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkaysatay mowqifkeeda ah in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah oo ku saleysan nidaamka xisbiyada siyaasadeed.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa Waxaa ay inay ku doodeen in nidaamka xisbiyada uu yahay hannaanka ku xusan dastuurka iyo jidka lagu gaari karo dimuqraadiyad waarta, iyagoo sheegay in dib loogu laabto nidaamka awood-qaybsiga beelaha ay dib u dhac ku noqon karto geeddi-socodka dowlad-dhiska.
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka iyo garabyada kale ee mucaaridka ayaa sheegay inay iyaguna taageersan yihiin doorasho qof iyo cod ah, balse ay ku doodayaan in marxaladdan kala-guurka lagu saleeyo habka awood-qaybsiga ee 4.5 si loo xaqiijiyo kalsoonida dhinacyada siyaasadda iyo saamiga beelaha.
Mucaaridka ayaa sidoo kale si adag uga horyimid doorashooyinka ay Dowladda Federaalka ka waddo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, iyagoo ku eedeeyay dowladda inay faragelin ku hayso geeddi-socodka doorashooyinka heer dowlad-goboleed.
Dowladda Federaalka ayaa diidday in qodobkaas si rasmi ah looga doodo intii uu socday kulanka.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay warbahinta in wakiillada Beesha Caalamka ay hadda ka shaqeynayaan soo jeedin cusub oo lagu doonayo in lagu soo afjaro ismari-waaga siyaasadeed.
Sida xogaha hordhaca ah ay tilmaamayaan, qorshaha la diyaarinayo ayaa noqon kara hannaan isku-dhafaya aragtiyaha Dowladda Federaalka iyo kuwa mucaaridka.
Qorshahaas ayaa la sheegay inuu ka koobnaan karo:
In dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah muddo kooban gudaheed.
In la dhiso hal guddi doorasho oo mideysan oo ay ku wada jiraan dowladda iyo mucaaridka.
In la helo hannaan lagu xaqiijinayo kalsoonida dhinacyada iyadoo aan la dhaawaceyn geeddi-socodka dimuqraadiyeynta.
Inkastoo labada dhinac ay isku raacsan yihiin in Soomaaliya u gudubto doorasho qof iyo cod ah, haddana khilaafka ugu weyn ayaa weli ka taagan qaabka loo wajahayo doorashada.
Qodobada la isku hayo waxaa ka mid ah:
In doorashadu ku saleysnaato xisbiyo siyaasadeed ama habka awood-qaybsiga 4.5 inta lagu jiro marxaladda kala-guurka.
Cidda maamuleysa doorashada, iyadoo Dowladda Federaalka ay taageersan tahay hal guddi oo ay iyadu sharciyeysay, halka mucaaridkuna uu dalbanayo guddi ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda.
Sida loo wajahayo doorashooyinka ka socda dowlad-goboleedyada iyo kaalinta Dowladda Federaalka ee geeddi-socodkaas.
Kulankii shalay ayaa waxaa uu muujinaya in wali ay jirto kala aragti duwanaan weyn oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, inkastoo labada dhinac ay mabda’ ahaan isku raacsan yihiin in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah. Khilaafku wuxuu inta badan ku saabsan yahay qaabka loo hirgelinayo nidaamkaas iyo dammaanadaha siyaasadeed ee lagu xaqiijinayo kalsooni dhex marta dhinacyada.
Dadka falaqeeya Arimaha Siyaasada Soomaaliya ayaa waxay ku doodayaan in is-mari-waaga Haddii uu sii socdo uu horseedi karo muran ku saabsan sharciyadda hoggaanka iyo xasillooni-darro ka hor doorashooyinka.

