Daacish oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Masjidka Shiicada ee dalka Cumaan

|

Muscat (KAAB TV) – Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda weerar dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo lagu qaaday masaajid ay Shiicada leedahay oo kuyaalla magaalada Muscat ee caasimadda dalka Cumaan.

Sidoo kale, War ay soo saareen kooxda Daacish ayey ku qirteen masuuliyadda weerarka qorsheysan ee lagu qaaday masaajidka kuyaalla dalka Cuman, waxa ayna Daacish sheegeen in weerarkaasi ku dileen xubno badan oo Shiico ah.

Dhanka kale, weerarka lagu qaaday masjidka Imaam Cali  ee Shiicada leedahay ,ayaa sababay geerida lix qof uu ku jiro askari booliis ah, waxaa sidoo kale weerarkaan dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray 28-qof oo qaarkood xaalad adag ku jiraan.

Sikastaba, falkan weerarka ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo nuuciisa ah oo ka dhaca dalka Cumaan oo kamid ah dalalka ugu xasilloonida badan dalalka Carbeed, waxaana weerarkan dadka ku dhintay kamid ah muwaadiniin u dhalatay dalka Pakistan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News