Addis Ababa (KAAB TV) -Guddoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ee xiriirka arrimaha dibadda iyo nabadda ee golaha shacabka Itoobiya Fethi Mahdi ayaa sheegay in howlo diblumaasiyadeed oo baarlamaani ah oo guulo laga gaaray la fuliyay sanad miisaaniyadeedka 2016-ka ee la soo gabagabeeyay si loo ilaaliyo danaha qaranka ee dalka.
Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka oo wareysi gaar ah siiyay ENA ayaa sheegay in howlaha dublamaasiyadeed ee baarlamaanka ay la yeesheen diblomaasiyiin, danjirayaal iyo xildhibaano ka kala socday dalal kala duwan.
“Waxa aanu kulan la yeelanay dublamaasiyiin, safiiro iyo xildhibaano ka socda wadamo kala duwan oo ka socda dalka Itoobiya iyo waliba dalalka kale. Inta ay wada shaqayntu socoto, xubnahayaga baarlamaanku waxay muujinayaan danaha Itoobiya iyo dadkeeda.”
Is dhexgalkaasi wuxuu si hufan uga tarjumay mawqifka Itoobiya, waxaana loo sameeyay diyaargarow xooggan oo lagu gaarsiinayo danaha iyo himilada ummadda.
Fethi waxa uu ku nuuxnuuxsaday in dadaalladan dublamaasiyadeed ay si guul leh u gaadhsiiyeen rabitaanka Itoobiya ee horumarka, nabad ku wada noolaanshaha, iyo iskaashiga ay la leedahay waddamada kale.
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Joogtada ah ee Sharciga iyo Cadaaladda ee Golaha Shacabka Isa Boru, ayaa dhankiisa sheegay in laga wada hadlay arrimo kala duwan oo muhiim u ah Nabadda Gobolka.
Waxa uu xusay in hawlo diblumaasiyadeed lagu ilaalinayo danaha qaranka iyo madax-banaanida Itoobiya.
Moga Ababulga oo ah xubin ka tirsan guddiga joogtada ah ee xiriirka arrimaha dibadda iyo nabadda ee golaha shacabka ayaa xaqiijiyay in howlaha diblumaasiyadeed ee la sameeyay ay salka ku hayeen dano qaran.
Waxa uu tilmaamay in dadaallada dublamaasiyadeed ee baarlamaanka ay gacan ka geysteen in la caddeeyo fikradaha qaldan, isla markaana u suurtageliyay dalalka kale inay si fiican u fahmaan mowqifka Itoobiya ee arrimaha kala duwan.
Xildhibaanada ayaa ku nuux nuuxsaday in howlaha Diblomaasiyadeed ee Baarlamaanka la qabtay mudadii sanadka aheyd ee 2016-ka ee la soo gaba gabeeyay si loo ilaaliyo danaha Qaranka dalka.

