Dagaal dib uga qarxay degmada Luuq

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Waxaa saakay mar labaad dib u u qarxay dagaal beeleed u dhaxeeyay beelaha Macalin Weyne iyo Gabaa Weyn kaasoo shalay galabkii ilaa xalay fiidkii ka socday degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Saakay ayaa waxaa dagaalka ku biiray ciidan uu wato Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Gobolka Gedo, Cisman Nuux Xaaji Macalimu iyo Guddoomiyihii hore ee Luuq Cali Kadiye.

Waxaa lasoo warinayaa khasaare badan oo ka dhashay dagaalka, oo isugu jiro naf iyo maal.

Dhanka kale, suuqa degmada Luuq ayaa xalay la gubay xilli uu dagaalka socday.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News