Dalka Iran ayaa la filayaa in uu yeesho Madaxweyne KMG Ah

|

Dalka Iran (KAAB TV – ) dalka iran ayaa la filayaa in uu yeesho Madaxweyne KMG ah inta doorasho deg deg ah laga qabanayo,

kaddib geeridii shalay ku timid Madaxweynihii dalkaasi Ibrahim Raisi oo ku geeriyooday shil diyaaradeed. Hoggaamiyaha ugu sareeya dalka Iran Ayatollah Cali Khamenei,

ayaa la filayaa in uu ogolaado uuna ansixiyo Madaxweynaha KMG ee dalka Iran oo la filayo in uu noqdo Madaxweyne kuxigeenkii dalkaasi Maxamed Mokhber . Madaxweynaha KMG ee dalka Iran ayaana xilka heyn doono muddo ku eg labo bilood,

waxaana la filayaa in 50-maalmood gudahood dalka Iran ka dhacdo doorashada Madaxweynaha cusub ee talada dalkaasi la wareegaya. Baroordiiq ayaa la filayaa in looga dhawaaqo dalka Iran oo lagu xusayo Madaxweynihii dalkaasi ioyo masuuliyiinta kale ee la geeriyootay, waxaana maanta warbaahinta dunnida si weyn u hadal heysaa geerida Madaxweynihii Iran Raisi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News