Weerar gaadmo ah oo ka dhacay xadka Kenya iyo Uganda oo lagu dilay dad Soomaali ah oo safar ahaa.

|

KAMPALA (KAAB TV) – Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Uganda, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo ay ku jirto gabar Soomaaliyeed oo dhawaan ka qalin jabisay Jaamacad ku taalla dalka Kenya.

Weerarkan oo sida la sheegay ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan oo watay baangado iyo mindiyo, ayaa lala beegsaday dad safar ahaa oo ku socdaalayay wadada xuduudka, waxaana halkaasi ka dhashay burbur xooggan.

Sida ay sheegayaan wararka hadda, ugu yaraan afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay weerarkaas waxashnimada ah, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay waxaa ka mid ah gabar Soomaaliyeed oo magaceeda lagu soo koobay Cosob, taasoo waxbarshadeeda jaamacadeed ku dhameysatay dalka Kenya.

Waayida nolol maalmeedka dhalinyarada ah ee sidaan oo kale ah ayaa argagax ku beertay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda.

Inkastoo xaaladdu ay aad u culus tahay, haddana dowladda Soomaaliya, gaar ahaan safaaradda ay ku leedahay magaalada Nairobi, ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarkii argagaxa lahaa ee ka dhacay xadka u dhexeeya Kenya iyo Uganda.

Aamusnaantaasi waxay sii kordhisay murugada iyo niyad-jabka ay dareemayaan qoysaska dhibanayaasha ah, kuwaas oo la daalaa dhacaya dhibaatadii ka dhalatay weerarka gaadmada ah.

Dhacdadan ayaa mar kale muujisay caqabadaha amni ee joogtada ah ee ay la kulmaan dadka safarka ah ee ku sugan gobolka, iyo sidoo kale baahida degdega ah ee loo qabo in la qaado tallaabooyin adag oo lagu ilaalinayo nolosha iyo fayo-qabka dadka isaga kala goosha xuduudaha.

Dowladda Soomaaliya, oo ay weheliso dhiggeeda gobolka, waa in ay qaaddaa tallaabo degdeg ah oo degdeg ah, si wax looga qabto khatarta joogtada ah ee ay maleeshiyaatka hubaysani wadaan, loona sugo amniga dhammaan muwaadiniinta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News