Dhageyso:-Hir-shabeelle Oo Qorshaysa Weerar Culus Oo Ka Dhan Ah Al-Shabaabka Gobolka Hiiraan.

|

Baledweyne (KAAB TV)-  Maamulka Gobolka Hiiraan ee hoos taga Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda Galbeedka Gobolka Ujeedka duulaanka ayaa ah in dib loo soo celiyo deegaanada ay hadda gacanta ku hayaan maleeshiyaadka.

Xasan Ibraahim Cabdulle (Xasan Carabey) Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa ku dhawaaqay hadalkan isagoo ugu baaqay bulshada deegaanka inay gacan ku siiyaan howlgalka qorsheysan Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshadu ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ku booriyay dadka deegaanka inay ku biiriyaan agabka lagama maarmaanka ah iyo taageerada.

“Ciidanka Qalabka Sida waxay si buuxda ugu diyaar garoobeen inay qaadaan howlgalkan muhiimka ah,” ayuu yiri Xasan Carabey “Waxaan u baahanahay dadka deegaanka inay si firfircoon uga qayb qaataan oo ay bixiyaan taageerada lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo guusha hawlgalka.”

Muddooyinkii dambe waxaa yaraaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan. Si kastaba ha ahaatee Saraakiisha Dowlad-goboleedka Hir-Shabeelle ayaa xaqiijiyay in howlgalladan ay dib u billaabi doonaan si dardar leh. Weerarkan qorsheysan ayaa ujeedkiisu yahay in dib loo soo celiyo gacan ku haynta dowladda ee dhulalka ay saameynta ku yeesheen maleeshiyaadku.

Warar dheeraad ah oo ku saabsan horumarka iyo natiijooyinka hawlgalka ayaa la filayaa toddobaadyada soo socda.

Hoos ka Dhageyso: codka Xasan Ibraahim Cabdulle (Xasan Carabey)

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News