Dhimashooyin ka dhashay dibad-baxyada rabshadaha wata ee ka socda dalka Kenya

|

Nairobi (KAAB) – Dalka Kenya waxaa shalay ka dhacay dibad-baxyo rabshado watay oo ay dhigayeen taageerayaasha mucaaradka Kenya, waxaana looga soo horjeeday sicir bararka iyo canshuur kordhinta ay sameesay dowladda madaxweyne Ruto.

Inata la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhintay dibad-baxyadii shalay ka dhacay magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale oo katirsan Kenya, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo badan oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Ciidamada ammaanka ayaa xabsiga dhigay boqolaal katirsan dadkii shalay dhigayay dibad-baxyada rabshadaha watay, waxaana dadkaasi la filayaa in lasoo taago maxkamad laguna eedeeyo bur burin iyo dhac.

R/Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa ku baaqay dibad-baxyo soconaya saddex maalin oo xiriir ah oo soo bilowday shalay, waxaana maanta meelaha qaar lasoo sheegayaa in ay ka socdaan dibad-baxyada.

Goobaha ganacsiga iyo waxbarashada qeybo badan oo kamid ah daka Kenya ayaa maalintii labaad xiran, waxaana laga cabsi qabaa khasaaraha ka dhalanaya dibad-baxyada rabshadaha wata ee ka socda Kenya in ay sii kordhaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News