Digniin laga bixiyay howlgalka AUSSOM oo wajahasa caqabado dhaqaale oo sii kordhaya

|

MUQDISHO (Kaab TV) –Hay’adda Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SIPRI) ayaa ka digtay in howlgalada nabad ilaalinta ee caalamiga ah oo uu ku jiro midka Soomaaliya ee AUSSOM ay wajahayaan qalalaase aan horay loo arag, kuwaas  oo ay sabab u yihiin loollanka quwadaha waaweyn, ismari-waaga siyaasadeed iyo dhaqaale yari baahsan.

Warbixin cusub oo ay SIPRI soo saartay ka hor Maalinta Caalamiga ah ee Ciidamada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay ee 29-ka May ayaa muujisay in tirada ciidamada iyo shaqaalaha ku jira howlgalada nabad ilaalinta ay hoos ugu dhacday 78,633 dhammaadkii sanadkii 2025, taasoo ah hoos u dhac dhan 17 boqolkiiba marka loo eego sanadkii ka horreeyay, islamarkaana ah heerkii ugu hooseeyay ee la diiwaangeliyo muddo ka badan rubuc qarni.

Hay’addu waxay ka digtay in haddii isbeddelladan ay sii socdaan, hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay ay wajihi karaan in si weyn looga saaro doorkooda ku aaddan maaraynta colaadaha caalamka.

Warbixintu waxay xustay in sanadkii 2025 la bilaabay Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo beddelay Hawlgalkii Ku-meel-gaarka ahaa ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Hawlgalka cusub ayaa sidoo kale lagu daray ciidan ka socda Masar, xilli ay jireen xiisado diblomaasiyadeed oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya kadib heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland sanadkii 2024 ee ku saabsanaa marin-badeed.

Si kastaba ha ahaatee, labada dal ayaa dib u soo celiyay iskaashigooda amni sanadkii 2025, iyadoo bishii Febraayo ay ku heshiiyeen qaabka ciidamada Itoobiya uga qeyb geli doonaan AUSSOM kadib wada-hadallo ka dhacay Muqdisho oo ay yeesheen saraakiil ciidan iyo kuwa sirdoon.

Hase yeeshee, AUSSOM ayaa weli la daalaa dhacaya dhaqaale yari. Bishii Sebtembar 2025 ayay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti yeesheen kulan looga hadlayay maalgelinta howlgalka, xilli ay dib u dhacday hirgelinta nidaamka wadaagga kharashaadka ee u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markii dambe kordhiyay muddada AUSSOM ilaa dhammaadka 2026, balse wuxuu ka digay in dhaqaale la’aanta joogtada ahi ay halis ku tahay howlgalka, isagoo ugu baaqay deeq-bixiyeyaasha inay bixiyaan taageero maaliyadeed oo la isku halayn karo.

SIPRI waxay sidoo kale sheegtay in ururrada gobolka sida Midowga Afrika, ECOWAS iyo OSCE ay sii kordhayaan caqabadaha kaga imanaya kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo dhaqaale yarida. Cilmi-baare sare oo ka tirsan SIPRI, Dr. Claudia Pfeifer Cruz, ayaa sheegtay in ururradaasi ay la tacaalayaan awood-xumo dhinaca nabad-dhisidda iyo dhaqaale xaddidan, isla markaana ay la kulmaan dhibaatooyin la mid ah kuwa Qaramada Midoobay.

Warbixintu waxay xustay in Itoobiya ay weli ka mid tahay tobanka waddan ee ugu badan ciidamada ugu deeqa howlgalada nabad ilaalinta caalamka, inkastoo tirada ciidamadeeda dibadda loo diray ay hoos uga dhacday in ka badan 8,300 sanadkii 2012 ilaa 3,446 sanadkii 2025.

SIPRI ayaa sidoo kale tilmaantay in aan la ansixin wax howlgal nabad ilaalin ah oo cusub oo ay hoggaaminayso Qaramada Midoobay tan iyo 2014, taas oo ka tarjumaysa kala qaybsanaanta sii xoogeysanaysa ee Golaha Ammaanka. Howlgalada Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 2025 wajahaya dhaqaale yari lagu qiyaasay laba bilyan oo doollar, taasoo qasab ka dhigtay in la dhimo shaqaalaha iyo hawlaha qaar.

Inkasta oo ay jiraan caqabadahaas, warbixintu waxay sheegtay in taageerada caalamiga ah ee howlgalada nabad ilaalinta ay weli jirto. Bishii Abriil 2026 ayay Midowga Yurub xaqiijiyeen inay AUSSOM ku taageerayaan 75 milyan oo yuuro, taasoo sii xoojinaysa kaalintooda ah maalgeliyaha ugu weyn ee howlgalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News