Addis Ababa (KAAB TV) – Dowladda Itoobiya ayaa war yaab leh kasoo saartay heshiiskii ee magaalada Addis Ababa ey kula saxiixatay maamulka Soomaaliland.
Sidoo kale, dowladda Itoobiya ayaa shaaca kaqaaday in dowladdaha gobolka qaasatan kuwa Africa ey kawarhayeen heshiiska ey lasaxiixdeen maamulka Soomaaliland kahor intaan lashaacin 1-dii January ee bishan lagu kala saxiixday magaalada Addis Ababa.
Dhanka kale, Redwan Hussein oo ah latilayaha amniga ee R/Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhowr bilood kahor waxa uu sheegay in diblumaasiyiin ey udireen wadamadda Bariga Africa iyagoona islamarkaas lawadaagay qorshaha isfahamka Soomaaliland.
“Waxa kaliya eysan kawarheynin waddamada gobolka ayaa ahaa aqoonsiga Soomaaliland, saamiga diyaarada ee aanu bixineynay iyo marka madaxweyne Biixi imaanayo”.
Ilaa hada laislama qaadan halka laga siinaayo dhul badeedka Itoobiya, lakiin Itoobiya ayaa iyadana shaacisay iney doorteen dhanka Lughaya 20KM oo ay kabadan karto dhulka ey rabaan sida Tilifishinka Qaranka Itoobiya uu usheegay Lataliyaha amniga Qaranka Itoobiya Redwan Hussein.
Ugudambeyn, Heshiiskaasi ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda Soomaaliya, taasi oo ay kula safteen waddamo badan oo Mareykanka ugu horreeyo, oo iyagu gaashaanka u daruuray damaca Itoobiya ee helitaanka qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

