Kenya oo xabsiga kasii deysay nin kuu eedeysnaa argagixisanimo dalkana kabixisay

|

Nairobi (KAAB) – Maxkamad kutaalla dalka Kenya ayaa ammartay, Jermaine John Grant oo kasoo jeedo dalka Britian in la musaafuriyo, kadib markii uu dhameestay xukun xabsi dheer ah, markii lagu helay falal la xiriira argagixisanimo .

Jermaine John Grant oo u dhashay dalka Britain ayaa lagu xiray dalka Kenya sannadkii  2011-kii, kaddib markii ninkan  lagu soo eedeeyay in uu heystay walxo ka sameysan bambaanooyin , sidoo kale ku biiri rabay koox argagaxiso.

Ninkan oo dhameestay sagaal sanno oo xabsi ah oo horey maxkamad ugu riday ayaa hadda la qorsheenayaa in dib loogu celiyo dalkiisa, waxaana maxkamad kutaalla Mombasa soo saartay ammar ku aadan in ninkan la musaafuriyo.

Xafiiska agaasimaha dacwad oogista ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in maxkamadda sare ee Mombasa ogolaatay codsigii xeer ilaalinta ee ahaa in  Jermaine John Grant in la masaafuriyo dalka uu kasoo jeedo marka uu dhamaysto xukunkiisa .

Ninkan xukunka xabsiga dhameestay ayaa lagu xiray dalka Kenya sannadkii 2011-kii , waxaana ninkan markii la qabanayay uu xirnaa dharka dumarka xirtaan , waxa uuna xilligaasi doonayay in uu galo Soomaaliya si uu ugu biiro Al Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News