Soomaaliya oo shuruudo adag ku xirtay in miiska wadahadlka la fadhiisato Itoobiya

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Somaliya ayaa dhineceeda meesha kasaartay in ladhex dhexaadiyo iyada iyo dowladda Itoobiya kadib heshiiskii sharci darada ahaa ee dowladda Itoobiya ey lasaxiixatay maamulka gooni ugoosadka ah ee Somaliland.

Sidoo kale, Khilaafka xooggan ee labada dal ayaa maraya halkii ugu xumeed kadib markii Itoobiya aan bad laheyn ey heshiis lagashay 1-January ee sanadkan maamulka Somaliland kaasi oo ay kuyeelanayaan marin badeed.

Dhanka kale, Maamulka Somaliland oo uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi ayaa dowladda Itoobiya waxa ey heshiis kula gashay iney siineyso marin badeed dhan 20 KM iyadoo taas  badalkeeda kudooneysay iney dowladda Itoobiya kaga hesho aqoonsi walow eysan si rasmi ah eysan uxaqiin maamulka Addis Ababa.

Maamulka Somaliland ayaa dhankooda xaqiijiyay in dowladda Federaalka ey dhamaan kabaxday heshiisyadii ey lagashay Somaliland iyadoona si ula kac ah uga baxday heshiisyadaasi waxaa kujiray arrimaha amaanka iyo marinka hawada.

Labadan dal waxaa kadhexeeyo xiriir taariikheed jahwareersan iyadoo qarnigii 20aad uu labadan dal dhexmaray labo dagaal oo culus.

Warkan kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa kusoo beegmay xili Hay’adda duliista iyo hawada Somalia ey hawada kacelisay maalinmadii Arbacada diyaarad ey leedahay hirkadda Ethiopian Airlines oo kusii jeeday Hargeysa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News