EgyptAir oo duulimaad toos ah ka bilaabi doonta Qaahira kuna socota Muqdisho laga bilaabo 11-ka Luulyo.

|

Masar (KAAB TV) – EgyptAir ayaa ku dhawaaqday in ay bilaawday Duulimaadyo toos ah oo ay ka bilaabayso Qaahira kuna soo wajahan Muqdisho, kuwaas oo bilaaban doona July 11, 2024, . Masar ayaa lagu wadaa in ay duulimaad toos ah ku tagto magaalada Muqdisho labo todobaad oo ku beegan 11-ka July, sida ay shaacisay safaaradda Soomaaliya ee Masar.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar Cali Cabdi Awaare ayaa bogaadiyay tallaabadan oo uu ku tilmaamay mid sare u qaadaysa iskaashiga labada dal.

Ku dhawaaqista ayaa waxaa si diiran u qaabilay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar iyo Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare, isagoo tilmaamay in kor loo qaaday iskaashiga iyo faa’iidada ay u leeyihiin shucuubta labada dal.

“Tallaabadan waa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Masar. Waxay fursad cajiib ah siinaysaa dadkeena inay si fudud isugu xidhmaan,” ayuu yidhi danjire Awaare oo ka jawaabayay war-saxaafadeedka dawladda Masar.

Diyaaradda EgyptAir ee laga leeyahay dalka Masar ayaa duulimaadyadan sameyn doonta todobaadkii labo jeer,taasi oo ka dhigan bog cusub oo dhanka duulimaadka ah ee labada caasimadood. Dowladda Masar oo daneyneysa in la bilaabo waddadan ayaa hoosta ka xariiqaysa xiriirka sii kordhaya ee labada dal.

Diyaar garowga duulimaadyada ugu horreeya ayaa waxaa bil ka hor Muqdisho booqasho ku yimid wafdi ka socda hay’adda duulista hawada Masar iyo shirkadda EgyptAir. Kulamada ay la qaateen mas’uuliyiinta Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa u jeedkoodu ahaa sidii loo dhameystiri lahaa howlaha saadka iyo howlaha shaqo. Axmed Macallin Xasan oo ah maareeyaha guud ee hay’adda SCAA ayaa soo dhaweeyey wafdiga, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey isku xirka hawada cusub.

“Booqashada wafdigan waxay bilow u tahay qorshe adag oo lagu diyaarinayo howlaha shirkadda EgyptAir ee garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Waxaa naga go’an inaan hubinno in dhammaan qabanqaabada lagama maarmaanka ah ay diyaar yihiin si guul loo bilaabo,” ayuu yiri Xasan.

Hirgelinta duulimaadyada tooska ah ayaa la filayaa in ay fududeyso isu socodka ganacsiga, dalxiiska, iyo is dhaafsiga dhaqanka, taasoo sii xoojineysa xiriirka Soomaaliya iyo Masar.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News