Jubbaland oo wafdi dhexdhexaadin u dirtay maleeshiyo beeleed ku dagaalamaya Luuq

|

DOOLOW (KAAB TV) – Waxaa degmada Luuq maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayna ku jiraan xildhibaanno, Wasiiro Faderaalka ah iyo Guddomiyaha Barlamaanka Jubbaland kuwaasi oo dhexdhexaadin ugu socda maleeshiyo beeledka ku dagaalamaya degmada Luuq.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay colaad toddobaadkan bilawgiisii ka dhacday degmada Luuq taasoo u dhexeysay beelaha Macallin Weyne iyo Gaba Weyn oo wada dega Luuq.

Colaadda Luuq ayaa salka ku heysa muran dhul kaasoo isu rogay dagaal hubeysan.

Wafdiga Jubbaland ee gaaray Luuq.

Dad ka badan 700 ayaa ka barakacay degmada tan iyo intii colaadda ay qaraxday Jimcihii taasoo socotay illaa saddex maalin oo xiriir ah.

Xaaladda magaalada ayaase deggan shalay illaa iyo xalay, sida uu sheegayo wariyaha Kaab TV ee gobolka Gedo.

Wafdi mas’uuliyiinta maamulka Jubbalabd ayaa lagu wadaa inay kulamo la yeeshaan dhinacyada dagaalamay, waxaana shalay sidoo kale baaq deg deg ah soo saaray odayaal beelaha Digil iyo Mirifle oo ka walaacsan xaaladda ka jirta degmada Luuq.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News