Laba horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose.

|

Shabeellaha Hoose (KAAB TV) – Labo horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka ee fariisinka ku leh degmada Buula Mare ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Cabdi Maxamed Caraaye oo Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaan Cabdirashiid uu isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad Caraaye oo dhinaca maaliyadda u qaabilsanaa ayaa muddo 14 sano ah koox koox ahaa ka hor inta uusan go’aansan in uu ka tago oo uu isku dhiibo dowladda federaalka.

Sidoo kale waxaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta 19-aad ee guutada 3-aad, Khaliif Maxamed Cabdi oo loo yaqaan Khaalid kaasoo Al-shabaab ka tirsanaa muddo toban sano ah.

Tirada xubnaha Al-Shabaab ee isa soo dhiibaya ayaa sii kordhaysa labadii sano ee la soo dhaafay waxaana ay ku soo beegantay xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay guluf colaadeed dib ugu soo ceshadeen deegaano istiraatiiji ah oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha dalka.

Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa todobaadkan ka dhacay deegaanada Jubbaland, halkaasoo lagu dilay in ka badan 80 maleeshiyaad ah, kuwaasi oo isku dayay inay cagta mariyaan saddex saldhig oo ciidamada ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda ayaa iska caabiyay weeraradaasi waxa ayna si nabad ah ku qarxiyeen afar gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay meel 80 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News