Dhusamareb (KAAB TV) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shaaca ka qaaday in ay soo bandhigi doonaan cadeymo muujinaya dadkii ka dambeeyay hurinta colaada ka dhacday Waqooyiga Galgaduud, oo ay ku dhinteen ku dhawaad 100 ruux. Hadalkiisa waxa uu daba socdaa Shir ay gelinkii dambe ee Arbacadii shalay la yeesheen Odayaasha Beelaha Mareexaan iyo Dir, kuwaasi oo uu ku dhex-maray Dagaal khasaare geystay oo Sabtidii hore ka dhacay.
Qorqor ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in xal nabadeed laga gaaro colaada ka taagan magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug. Wuxuu ku booriyay labada dhinac inay iska kaashadaan sidii nabad waarta looga dhalin lahaa, loogana hortagi lahaa qalalaasaha mustaqbalka. Waxa uu ku baaqay in loo midoobo oo loo istaago sidii wax looga qaban lahaa khilaafaadka iyo dhibaatooyinka dhacay.
“Waxaan u baahanahay inaan u diyaar garowno go’aankeena, nabadna lagu saleeyo, nabaddu waxay leedahay cadow badan, dhinac walbana wuxuu u baahan yahay inuu xoog yeesho oo ay ka go’an tahay, haddii Alle idmo waxaan si buuxda u xallin doonnaa khilaafaadkii iyo dhibaatooyinkii dhacay” ayuu yiri Madaxweyne Qorqor. .
Madaxweynaha ayaa xusay in dagaalku uusan ahayn mid ku yimid si kama’ ah balse ay soo abaabuleen siyaasiyiin dano siyaasadeed doonaya. Waxa uu aad u dhaliilay kuwa ka faa’iidaysta danahooda.
“Dhammaan wixii dhacay waa la wada ogsoon yahay, ma ahayn dhacdo iska caadi ah ee waa fursad la qorsheeyay oo dano siyaasadeed lagu raadinayo, ciddii sidaas ra’yigeeda ka dhiibanaysaana waxaa looga baahan yahay inay ka digtoonaadaan oo ay Alle magangelyo weydiistaan” ayuu yiri Qorqor.
Qorqor waxa uu ku nuux-nuux saday masiibada soo gaartay dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay, isagoo daboolka ka qaaday in Hay’adaha ammaanka ay soo uruuriyeen cadeymo la xiriira kuwii bilaabay iyo kuwii colaada huriyay. Waxa uu ballan qaaday in uu caddeymahaasi soo bandhigi doono xilliga ku habboon.
“Hay’adaha baaristu waxay soo uruuriyeen dhammaan xogtii khuseysay, cadeymo badan ayaa loo hayaa ciddii soo abaabushay, hurisay, maal gelisay colaadda, haddii Alle idmo caddeymahaas waa la xafidaa, waxaana soo bandhigi doonnaa xilliga saxda ah, laamaha amniga ayaana wax ka qaban doona. , cidna laga hadhi maayo,” ayuu yiri Qorqor.
Ku dhawaaqista Qorqor ayaa ku soo aadeysa iyadoo gobolka ay ka soo cusboonaadeen dagaal beeleedyo u dhaxeeya beelo isku heysta dhul daaqsimeed.

