DHUUSAMAREEB (KAAB TV) – Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta oo Khamiis ah xukun dil ah ku fulisay Nuur Cabdi Maxamed, Shucayb Maxamed Faarax iyo Bile Cabdullaahi Xasan. Saddexdan ruux ayaa lagu fuliyay dil toogasho ah, kaddib markii ay dileen labo wiil oo walaalo ahaa oo kala ahaa Macallin Qur’aan iyo dhakhtar.
Diseembar 9, 2023, shaqsiyaadka la toogtay ayaa labo wiil oo walaalo ah, oo lagu kala magacaabi jiray Axmed Xasan Cismaan iyo Macallin Liibaan Xasan Cismaan ku dilay duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo lagu dilay arrimo la xiriira aargoosi qabiil.
Dilka labadan ruux ee walaalaha ah ee geeriyooday ayaa waxa ay abuurtay walaac dhanka ammaanka ah, waxaana hadal heynta gobolka ay noqotay mid si weyn looga hadal hayo. Madaxda ugu sareysa oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa ka hadlay, waxayna si kulul u cambaareeyeen dilkaasi.
Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka oo howlgalo ka sameeyay deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa markii dambe ku guuleystay in gacanta lagu soo dhigo kooxihii dilka geystay.
Maxkamadda gobolka Galguduud ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa fadhi ay yeelatay oo lagu dhageysanayay kiiskan, waxaana ugu dambeyn lagu fuliyay xukun dil ah oo lagu fuliyay saddexda ruux, kaddib markii maxkamadda ay heshay cadeymo ku filan oo ah in saddex ruux ay dilka geysteen.

