MUQDISHO (KAAB TV) – Maxkamadda ciidamada ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay taliyihii hore ee saldhigga degmada Hiliwaa Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye & Maxamed Cabdi Qoone oo ahaa askari gacan yare u ahaa taliyaha saldhigga degmada Hiliwaa.
Sidoo kale, Taliyaha iyo askariga gacan yaraha u ahaa ayey maxkamadda ku heshay in ay ka dambeeyeen falka dilka ah ee loo geestay marxuum ganacsade Abuukar Axmed Kaabax oo ay dileen 24/02/2024.
Maxkamadda ayaa sidoo kale ka xayuubisay darajadiisa ciidan, kana saartay kasii mid ahaanshaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Dhamme Cabdifitaax Qoslaaye & dable Maxamed Cabdi Qoone.
Dhanka kale, maxkamadda ciidamada ayaa 15-sanno oo xabsi ciidan ah ku riday Liibaan Maxamed Cumar iyo Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Passport-kenyan, waana ninkii abaabulay falka dilka ah ee loo geestay Abuukar Kaabax.
Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyad la shaqeenayay taliye Qoslaaye ayaa lagu xukumay min 10-Sano oo xabsi ciidan ah, halka Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhicista isna lagu xukumay 15-sanno oo xabsi ah.
Maxkamadda ciidamada ayaana wax dambi ah ku weysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ahaa aabaha dhalay taliyihii hore ee saldhigga degmada Hiliwaa Cabdifitaax Qoslaaye, kaa oo damiin ka ahaa ninka abaabulay falka dilka ah ee dhacay.

