Muqdisho (KAAB TV) -Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta go’aan ka gaartay kiiska loo geystay Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo katirsanaa Booliiska gaarka u tababaran ee Haramcad oo lagu eedeeyay in uu dil u geystay Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.
Dilkaan ayaa ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir 28kii Juun 2025, waxaa dhowaan Maxkamadda kasoo hor muuqday Askariga toogashada lagu xukumay oo fadhigaas ka dhex sheegay in uusan dilkaas u geysan si kas ah, waxaana doodo is dhaafsaday xeer ilaalinta iyo qareennada difaacayay.
Bakar ayaa lasoo bandhigay muuqaallo ay duubeen kaamiroonka lagu xiray waddooyinka iyo xaafadaha Magaalada Muqdisho, waxa uu ku baxsaday Mooto nooca loo yaqaan Fekon, waxaa lagu qabtay Degmada Cabdicasiis sida laga dhex sheegay fadhigii Maxkamadda kiiskiisa ka yeelatay.
Maanta ayaa lagu xukumay Dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Cali Iskoow sida uu sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida.
Kiiska Bakar ayaa haddii Qareennadiisa ay racfaan ka qaataan xukunkaan u gudbi doonna Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida oo awood u leh in ay raacdo ama baabi’iso iyada oo ugu horrayn dhageysaneysa sababta racfaankaas loosoo qaatay.

