Michael Nithavrianaki iyo Madaxweyne Laftagareen oo kulan xasaasi ah kuyeeshay Beydhabo

|

Beydhabo (KAAB TV) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta xarunta madaxtooyada KMG ah ee Koonfur Galbeed kulan kula qaatay wafdi uu hoggaaminaayay Danjiraha dowladda Ingiriiska ujoogo Somalia Michael Nithavrianaki.

Sidoo kale, Michael Nithavrianaki iyo Laftagareen ayaa kulankooda waxaa qeyb ka ahaa wasaaradaha Qorsheynta, Cadaalada iyo howlaha guud, kulankan udhexeeyay labadan masuul ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo lagarab istaagi lahaa dadka waxyeeladu ka soo gaartay Roobabkii iyo daadadkii xoogganaa ee ka da’ay Beydhabo iyo qeybo kamid ah gobolada dalka.

Dhanka kale, Michael Nithavrianaki iyo madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa mashaariicaha wejiga labaad ee ee loogu adeegaayo bulshada.

Michael Nithavrianaki, ayaa waxa uu sheegay ujeedka safarkiisa inuu kuqotomo sidii dowladda Ingiriiska ey uga qeyb qaadan leheed gurmadka iyo fatahaadaha kadhasahay Roobabka iyo dadka ey waxyeeladu kasoo gaartay iyo sidii aan utaageeri lahaayeen dadaalka dowladd goboleedka Koonfur Galbeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News