Mowjadaha Halista ah ee Dul Hoganaya DFS ee Xassan Sheikh Maxamud

|

Dowladda Federaalka Soomaliya (DFS) ee Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud oo 2 sano jirsatay waxaa dul hoganaya mowjado siyasadeed, dhaqaale, iyo nabadgelyo oo khatar ku ah geedisocodka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS). Tilmaamaha mowjadahaas waxaa ka mid ah:

1. Hakadka iyo Walaaca Xoogan ee laga qabo Gulufka Ciribtirka Al Shabab wejigii kowaad ee Hirshabelle iyo Galmudug. Qiimeynno ku saabsan natiijada gulufkaas oo caalamka lala wadaagay waxay taageeren saadaashii guuldarro ee ay Hay’adda Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group) shaacisay ka hor bilowga gulufka Ciribtirka Al Shabab. Hay’adda waxay saadaalisay in DFS iyo Dowlad Goboleedyada (DG) aysan ka guuleysan karin Al Shabab sababo ay soo bandhigtay. Is barbardhig Ciidammada Soomaliya iyo Al Shabab ee uu sameyay Professor Paul D. Williams ( The Somali National Army Versus Al Shabab – A Net Assessment) bishii Abrile 2024 wuxuu sheegay in libintu raaceyso Al Shabab. Waa dib u dhac laga tabaabushan karay.

2. Waxtar Yarida Dowladnimada Soomaaliya. 12 sano kaddib, waxtarka dowladnimada Soomaaliya beesha caalaamka taagerayay weli waa liita. Waxaa la saluugsan yahay shaqo fulinta iyo adeeg bixinta Dowladda heer federal, dowlad gobol, iyo dowlad hoose iyo kala lahaanshaha iyo kala sarreynta awoodaha sharci dejinta, fulinta, iyo garsoorka. Waxaa laga cabanaya ku takrifalka awoodda Dowladda. Inkastoo la cuskanayo nidaamka federaalka, maalin kasta waxaa kordhaya caqabadaha iyo dareenka wiiqaya rajada hirgelinta nidaamka federaalka oo u baahan qeexid degdeg ah.

3. Bixitaanka Ciidammada Afrika ee Nabad Ilaalinta (ATMIS) iyo Kalsooni yarida lagu qabo hogaaminta, kartida, iyo dishibiilinka Ciidammada DFS ee u xilsaaran Amniga iyo difaaca dadka iyo dalka. Dalalka Deriska waxay caalamka u sheegeen inay cabsi weyn ka qabaan khataraha ka imaanaya Soomaaliya haddii ciidammada Afrikaanka ah baxaan, taaso qiil u siineysa faragelinta Soomaaliya si ay isaga badbaadiyaan khatarahaas.

Dowladda Mareykanka waxay ku tilmaantay heerka khatarka Soomaaliya 4 ayadoo khatarka ugu sarreysa tahay 5. Daraasad ka soo baxday Machadka Siyaasadda ee Imaraadka bishaan Maajo 24, 2024, ciinwaankeedu yahay “Expansion of the Islamic State in Puntland: A New Round of Jihadist Infighting in Somalia” waxay dhigeysa in Soomaaliya tahay goob ay ku dagaalamayaan labada garab ee Argagixisada caalamka ee ku kala abtirsada Al Qaacida iyo Dowladda Islaamka iyo in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland kala goosteen xiriirka, isla markaana ay taag daaran yihiin. Arrimahaas waxay cudurdaar u yihiin adeegsiga Cutubka VII ee Axdiga QM.

4. Dhaqaale xumo ka dhalatay arrimo isbiirsaday oo ay ka mid yihiin qalalaasaha adduunka ka taagan oo dhaliyay sicir barar, gulufka Ciribtirka Al Shabab, dhibaatooyinka isbeddelka cimilada, dagaallo sokeeye, khilaafaadka siyaasadda, burcad badeedka, deeq bixiyayaasha oo ka daalay (fatigue) taageridda Soomaaliya, natiijada deyn cafinta oo macnaheedu yahay cun deyntii laguu cafiyay, iyo cunaqabateyn ka timada maamulxumada deeqaha dibedda. Dowladda waxaa laga sugayay dhismaha ciidan iyo maamul hanta nabadgelyada oo kharaj farabadan u baahan.

5. Dagaalka Laas Canood iyo Hargeisa oo saameyn xoog leh ku mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya. Waxaa kaloo dagaalkaas ku lammaan nooca xiriirka dowladnimo ee Muqdisho-Laas Caanood- Garowe-Hargeisa- ayadoo la fiirinayo qodobbada 1 (JFS), 7(dhulka JFS) , 8 (shacabka Soomaaliyeed), 9 (Magaala Madaxda JFS), 48 (qaab dhismeedka DFS), 49 (Tirada DG) , iyo 50 ( Mabaadi’da ee JFS) ee dastuurka kmg. Hirgelinta Nidaamka Federaalka waa inay taagerta midnimada JFS.

6. Khilaafka ka taagan dhammeystirka dastuurka kmg iyo diyaarinta doorasho xor iyo xalaal ah. Dhammeystirka dastuurka kmg waa arrin lel mudnaanta kowaad, hase yeeshe waa howl u baahan dadaal, daacadnimo, daahfuran, degdegsiimo, aqoon dhinacyo badan ku saleysan. Dal kama jiri karaan labo dastuur ama dastuur 4 cutub ah iyo dastuur 15 cutub ah. Dastuurka waa hal dokumenti, hal sharci.

7. Khilaafka la xiriira Madaxweynayaal (hogaamiyayaal) DG oo muddo xileedkoodii dhammaday, welina xukunka haysta. Muddo kororsi waa bilowga fowdo.

8. Saameynta Siyaasiin Soomaaliyed oo marti u ah Dowlado shisheeye ee ka mid ah taagerayaasha Beesha Caalamka ee DFS. Arrintaas waxay saameyneysa Madaxbannanida siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan

9. Madax Soomaaliyeed oo dano siyasadeed, dhaqaale, iyo amni ku leh dalalka deriska la ah Soomaaliya, dalalkaasoo Soomaaliya ka leh dano qaran, taaso wiiqeysa ilaalinta danaha qaranka Soomaaliya.

10. Heshiiska Is afgaradka dhexmaray Hargeisa (Somaliland) iyo Ethiopia ee ku saabsan dhul, saldhig ciidan badeed, iyo deked Ethiopia ku qaadaneyso dhulka JFS si Ethiopia ugu aqoonsato Hargeisa dowlad gooni u goosad ah ee ka madaxbannaan Soomaaliya. Heshiiska waa waxba kama jiraan. Haseyeeshe, dowladda Ethiopia waxay ku mashquulsan tahay hirgelinta danaheeda ayadoo aaminsan in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad qaran ee ay ka jirto dowlad qof ama qabiil.

Wasiiru Dowladaha DFS wuxuu sheegay in dowladaha reer Galbeed u guuxayaan in Ethiopia hesho dhul iyo bad ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya, qaab sulux ah. Waxaa xusid mudan in Dowladda Kenya oo heshiis difaac la gashay Soomaaliya aysan aqoonsan go’aankii Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda (ICJ) ee badda Soomaaliya, taaso ah arrin welwelkeeda leh. Warar ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ka shaqeyneyso in Soomaliya ka tanaasusho qayb ka mid ah dhulka iyo baddaa loo xukumay.

11. Khilaafaadka iyo is qabqabsiga ka dhex aloosan Madaxda DFS dhinac ah iyo DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo dhinac ah, taaso dhaawacday kalsoonida iyo karaamada DFS. Dad badan waxay aaminsan yihiin in khilaafka u dhexeeya Madaxda DFS yahay mid raalli laga yahay. Madax ka mid ah DFS waxay ka shaqeeyan kooxeysi iyo fidno qabiil.

12. Khilaafaadka laga dhex huriyay beelaha Gobolka Benadir, kaaso qabsaday baraha bulshada, kana soo horjeeda nidaamka dowliga ah. Waxaa muuqda walaac iyo niyad xumo ayadoo bulshada isweydiineyso ujeedada laga leeyahay kala isku dirka, kala fogeynta, iyo colaadda sokeeye ee bulshada Soomaaliyeed.

13. Xiritaanka Xafiska UNSOM oo loo asaasay inuu Soomaaliya ka taagero, kalana taliyo dib u heshiisiinta iyo dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Xafiiska wuxuu tiir dhexaad u yahay helitaanka dhaqaale xoog leh si DFS iyo DG u gaaran heer Soomaaliya uga gudubto xaaladda burburka dowladeed ee kalliftay adeegsiga Cutubka VII ee Axdiga QM. Waxaa isweydin mudan in “Soomaaliya ka gudubtay xaaladda nabadgelyo xumo iyo burbur dowladeed ee ku xusan cutubka VII?”

Wax ka qabashada mowjadaha dul hoganaya DFS waxay u baahan tahay:

(1) hogaamin geed fadhi ah, dareensan mowjadaha ku meegarsan Soomaaliya iyo danaha caalamka ee is diidaya, aaminsan dastuurka kmg iyo habraaca dejinta siyaasadda dowladda, ku dheggan danta guud, iyo

(2) adeegsiga maamul guud oo karti leh, u xilsaaran qorsheynta iyo fulinta wax qabadka dowladda, ku xisaaabtamaya la xisaabtan dhab ah, ilaalinaya sharciga iyo danta guud. Haybadda dowladnimada Soomaaliya waxay ku xiran tahay hab dhaqanka wanaagsan ee Madaxda astaanta u ah.

Madaxweynaha dalka Kenya wuxuu ku celcelinaya inaan loo dooran inuu ka shaqeeyo dib u doorashadiisa ee loo doortay horumarinta dadkiisa iyo dalkiisa. Waa tusaale Wanaagsan oo mudan ku dayasho iyo ku camalfal.

W/Q: Prof Maxamuud Culusow.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News