MSF oo shaaca kaqaaday inuu go’ay xiriirkii Isbitaalka Al-Shifa ee Gaza

|

Gaza (KAAB TV) – Dhaqaatiirta aan xuduudaha laheyn ee MSF inuu lumay xiriirka ey laleheed Isbitaalka weyn ee Al-Shifa iyagoo ey jiraan in duqeymo xooggan kadheceen gudaha Gaza.

Sidoo kale, waxaa aad usii xogeestay saacadihii lasoo dhaafay weerarada lala beegsaday Isbitaalka weyn ee Al-Shifa, qaar kamid ah shaqaalaha Isbitaalka ayaa kusoo waramay iney jiraan xaalado quus ah.

Dhanka kale, MSF ayaa shaaca kaqaaday iney aad uga walaacsanyihiin shaqaalaha iyo bukaanada kujira Isbitaalka gudihiisa oo qaarkood ey xaaladooda aad uliidato oo aysan awoodin iney kabaxsadaan duqeymaha kasocdo Gaza.

Isgaarsiinta gudaha Gaza ayaa xilliyada qaar go’eysa tan iyo markii uu billowday ololaha millatari ee Israa’iil bishii hore – inta badanna waxaa sabab u ah koronto yaraan iyo  shabakada internetka oo daciif ah

Waxaa jiray warbixino ku saabsan weerarro Israa’iil ah oo ka dhacay agagaarka Isbitaalka Al-Shifa, iyadoo shaqaalaha isbitaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ay baahiyeen muuqaallo muujinaya duqeyn culus oo ka dhacday agagaarka dhismaha.

Afhayeen u hadlay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa Jimcihii sheegay in al-Shifa ay ku socoto duqeyn, isagoo intaas ku daray in 20 isbitaal oo ku yaalla Marinka Gaza ay howlgab noqdeen.

Isbitaalka Al Shifa, oo Jimcihii gantaallo lagu garaacay, ayaa ah kan ugu weyn marinka Qaza

Milateriga Israa’iil ayaa  ku andacoodey  in madfac khaldan oo ay rideen isbitaalka kooxa Xamaas si ay uga dhigaan iney israaiil duqeysay.

Warkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii Israa’iil ay bartimaameed ka dhigatay agagaarka isbitaalka, halkaas oo ay ku dishay ugu yaraan 15 qof, 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Toddobaadyadii la soo dhaafay Israa’iil waxay sheegtay in dagaalyahannada Xamaas ay Isbitaalka hoostiisa ku leeyihiin xarumo qarsoon oo ay hubka ku keydsadaan hase ahaatee Xamaas, Maamulka caafimaadka Gaza iyo agaasimayaasha Shifa ayaa beeniyay arrintaas waxayna sheegeen inay soo dhaweynayaan kormeer caalami ah.

Ciidamada Israel oo taangiyo wata ayaa isku dayaya iney gaaraan xarunta isbitaalka, inkastoo iska caabin adag ay kala kulmayaan dagaalyahanada Xamaas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News