Muqdisho (KAAB TV) – Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo maal mihii lasoo dhaafay lagu la’sanaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa haatan arrintiisa waxa ey yeelatay weji cusub oo kaduwan kii hore.
Sidoo kale, Senator Cabdullaahi Fartaag oo kasoo jeeda gobolka Jubbada hoose qaasatan gobolka Gedo, ahna xildhibaan katirsan golaha shacabka Somalia ayaa maanta si kulul uga hadlay xaalada Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.
Dhanka kale, Senator Fartaag ayaa waxa uu fariin culus uu udiray dowladda Kenya, isagoona sheegay in si deg deg ah usoo deyso Cabdirashiid Janan dowladda kenya madaama xaaladiisa walaac xooggan laga muujinaayo hada.
Senator Cabdullaahi Fartaag ayaa waxa uu intaasi hadalkiisa uu kusii daray in hadii dowladda Kenya ey dacwad uqabto Cabdirashiid Janan ey kusoo wareejiso dowladda Somalia kadibna ey sheegato waxa ey kuheysato iyo waxyaalaha ey katabaneyso.
Ugudambeyn, tan iyo markii ey soo shaac baxday maqnaashiyaha Cabdirashiid Janan waxaa arrinta ka hadashay Jubbaland oo iyadana Kenya ka dalbatay in xaaladda Wasiir Janan ay meel ku sheegaan, ayna soo caddeeyaan waxa uu ku sugan yahay.

