Ra’iisul Wasaare Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo magacaabay 4 xubnood kamid noqoya liiska golaha Wasiiradda

|

Muqdisho (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaare Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa wareegto uu goordhaw soo saaray ku magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda JFS.

Sidoo kale, xubnahan ka kooban afarta ayaa kamid ah xildhibaannada golaha shacabka, iyagoona hada kamid noqoya liiska golaha wasiiradda.

Xubnahan lamagacabay ayaa kala ah:

1- Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

2- Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

3-  Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta.

4- Xildhibaan Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Wasaaraddan loo magacaabay Jeneraal Bashiir Goobe oo horey u ahed Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska ayaa waxaa ka geeriyootay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaana wasaaraddan hadda loo beddelay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquul Insaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News