Taliyaha ciidanka Asluubta oo sheegay in Taalo loo dhisaayo furahaayihii ku dhintay weerarkii xabsiga dhexe ka dhacay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Weerarkii ka dhacay xabsiga dhaxe ee maalintii Sabtida ayaa lagu dilay askar katirsaneyd ciidanka asluubta Soomaaliya, waxaana askartaasi la dilay kamid ahaa furahayayihii xabsiga dhaxe oo ka biyo diiday in furaha siiyo kooxdii weerarka fulisay.

Sidoo kale, askariga diiday in uun furaha siiyo kooxda weerarka fulisay ayaa lagu magacaabaa dable Xasan Xuseen Raage waxa uuna kamid askartii lagu dilay weerarka ka dhacay gudaha xabsiga dhexe.

Dhanka kale, taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa sheegay in furahayihii xabsiga dhaxe ee la dilay uu sameeyay naf hurnimo, waxa uuna xusay in uu iska diiday in cadawga ku wareejiyo furaha kana doortay in la dilo.

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in taalo geesinimo a loo dhisayo dable Xasan Xuseen Raage oo geesinnimo iyo naf hurnimo sameeyay, waxa uu sidoo kale ballanqaaday in isaga oo dhintay darajadiisa la dallacsiin doono.

Ugudambeyn, warar horey usoo baxay ayaa sheegayay in askarigan hadda markii uu dhintay taalada loo dhisayo lana dallacsiinayo dhawaan laga reebay liiska askar katirsaneyd ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo la dallacsiinayay, waxaana la sheegay in liiska looga reebay qabyaalad iyo nin jecleysi darteed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News