Ururka Jaamacadda Carabta ayaa kudhawaaqay shir deg deg ah oo looga hadlaayo Xalada Somalia iyo Itoobiya

|

Jiddah (KAAB TV) – Xiisadaha siyaasadeed ee Itoobiya iyo Somalia ayaa meeshii ugu xumeed gaartay kadib markii uu R/Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed uu heshiis Qaranimada Somalia xad gudub ku ah uu lasaxiixday madaxweynaha maamulka Somaliland.

Sidoo kale, Ururka Jaamacadda Carabta ayaa kudhawaaqay shir deg deg ah laga yeesho xiisada siyaasadeed ee udhexeyso Somalia iyo Itoobiya, shirkan ayaa kuqabsoomi doono habka fogaan aragga waxaana hoggaaminaya dowladda Marocco.

Dhanka kale, Kuxigeenka xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Hossam Zaki ayaa sheegay In Ururku uu qaban 17-ka bishan sida lagu sheegay warkasoo baxay Wakaalada wararka ee dalka Morocco.

Hossam Zaki ayaa sidoo kale sheegay in shirkan muhiimadiisu tahay sidii loodamin lahaa xaalada siyaasadeed ee kadhexeyso labada dal ee Itoobiya iyo Somalia, isagoona intaasi kusiidaray waxyaalaha kadhalankara heshiiska sharcidarada ah ee Itoobiya lagashay maamulka Somaliland.

Ugudambeynt, Kulankan deg dega ah ee Jaamacadda Carabta ayaa kusoo beegmaya xili codsi dowladda Somalia kayimid, sidoo kale waxaa iyadana larajeynayaa in shirkale oo xasaasi uu kafurmo magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda kaas oo ay yeelanayaan madaxda Urur goboleedka IGAD kaas oo isagana looga hadli doono xiisada siyaasadeed ee Itoobiya iyo Somalia oo meeshii ugu xumeed gaartay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News